MAAHMAAHYO SOOMAALIYEED PDF

Maah maahyo soomaaliyeed 1 amuur aadan laheen is gal galis aa wax looga cunaa 2. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.

Author:Tozuru Kagore
Country:Saudi Arabia
Language:English (Spanish)
Genre:Science
Published (Last):3 September 2005
Pages:428
PDF File Size:7.76 Mb
ePub File Size:4.9 Mb
ISBN:757-4-81733-122-4
Downloads:39820
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Zulkile



Maahmaahda Maanta: "Alla aamin ma iisho. Nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay. Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo. Nin ku arkaaya looma saro kaco. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og. Nin kuu digay kuma dilin. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan. Nin la sugayoow adna yaad sugin. Nin lagu seexdaw ha seexan.

Nin magaalo ka dudaw siigo yare. Nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo. Nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego.

Nin ooman biyaha hoo baa deeqa. Nin qoyani, biyo iskama dhowro. Nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab. Nin rag ah looma duur xulo. Nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan. Nin sigtay ma nabad gelin. Nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.

Nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan. Nin waalan tolkii baa u miyir qaba. Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.

Nin walba meeshii buktaa belbesha. Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa. Nin war kuu keenay war kaa qaad. Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.

Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa. Nin wayni waa qorax casar joogta. Nin wayni wadkiisa waa yaqaan. Nin xil qaaday eed qaad. Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa. Nin yari waa nin ban soo ordaya. Nina dabeecadiisa lama doorin karo. Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay. Ninba curadkiisa ceel gee. Ninba gurigii gaado ku leh. Ninba kaskiisuu kor tagaa. Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo.

Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa. Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa. Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi. Ninkii seexdaa sixii dibi dhalay. Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.

Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo. Nin meeli u cadahay meeli ka madaw. Nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa. Qalbigu laba ruux ma wada qaado. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday. Qaybshe qad ama qaaday. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto.

Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan. Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto. Qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa.

Qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa. Qoryo adistooda isku duwis baa horreysa. Qosol badani qoonsimaad noqoy. Qosol hiil leh. Qosol qoonsimaad noqay. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. Qunyar socde qodaxi ma mudo. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga. Quud aan jirin qoryo u guro.

Raad arrooryo dib looma raaco. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan. Rag hunguri buu isku raacaa. Rag jidiin baa walaaleeya. Rag qawl baa xidha dumarna meher. Rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade. Rag waa arin keen iyo aqbalkeen. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi. Rag waa shaah dumarna waa sheeko. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.

Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare. Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale. Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii. Ragu sadex waa iskaga mid Magaca, magta iyo maganta. Ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda.

Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. Reer, naagbaa kaa raacda. Reerka meelan loo husan looma haatiyo. Ri waalan ridaada laguma xidhto. Riyuhu lugtooday shalan ku doontaan. Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan.

Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa. Runi rag kama nixiso.

ABATORUL CINCI PDF

1000-ka ugu caansan murtida & maahmaahyada Soomaaliyeed

Aadmi la aragyaaba, dhib la arag. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.

AFTANAZY DZIEJE REZYDENCJI PDF

955 Maahmaahyo Oo Laga Soo Min Guurinay Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed, Baro Oo Isticmaal!

Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan odhaah nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer,jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa. Haddaba waxaa nasiib daro wayn ah , dagaaladii xaq u dirirka ahaa ka dib, luqada soomaaliyeed gaar ahaan suugaanta hadal iyo hawrarba lahayd sida gabayadii, buraanburkii, googaalaysigii, maahmaahyihii , sheekhooyinkii dhalaanka iwm in ay ka baxeen nolol maalmeedka ummada. Maahmaahuhu waxay si aad ah uga muuqan jireen nolol maalmeedka bulshada ,oo had iyo jeer qurxin jiray haasaawaha, gogol fadhiga , iyo hadal maalmeedka joogtada ah eey umaddu is waydaarsanayso. Si loo daweeyo dhibaatadan waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa maahmaahihii inta aanu ka ururin karnay ilaa iminka, wixii kalee aanu ka ururinana waanu ku daraynaa.

E BALAGURUSWAMY C SHARP EBOOK PDF

Maah maahyo soomaaliyeed oo 70 gaaraayo

Maahmaahyo Af-Somali. Waxaan u sameeyay bogan in aan ku ururiyo Maahmaahyaha Af somaliga ah ee inoo xikmad iyo aragtiyo aynu ka dhaxalnay aabayaasheen, waxaan raadiyay meel ay ku urursanyihiin maahmaahyuhu, nasiib darose waan waayey, taas ayaa igu khasabtay inaan bogan u sameeyo. Marka waxaan isku dayayaa inaan maahmaahyaha ka soo ururiyo websiteyada somalida, buugaagta, iyo wax cid kasta oo laga heli karo. Use template. About Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit.

DYNACORD CXM 15 PDF

.

Related Articles